kusoo dhowaw bogga homes for haringey somali
Boggan waxuu ka kooban yahay macluumaad muhiim ah ku saabasan Homes for Haringey kaasoo loogu talogalay dadka ku hadla af Soomaali.
Adeegyo aan bixino
Waxaan aqoonsanahay qowmiyadaha badan ee ay ka kooban tahay bulshada xaafadda waxaana naga go’an inaan bixino macluumaad tifaftiran oo ay heli karaan dhammaan qaybaha bulshada ee xaafadda degan. Nasiib darro, maadaama Haringey looga hadlo in ka badan 200 luuqadood anaga suuragal nooma aha inaan bogga shabakadan ku wada tarjuno dhammaan luuqadaha looga hadlo xaafadda.
Ujeedadeenu waa inaan ugu yaraan bogga shabakadeena ku tarjuno lixda luuqadood ee sida aadka ah looga hadlo degmadan. Qoraalka tarjuman ee luuqadahan hoos ayey ku qoran yihiin.
Sidoo kale boggaga shabakadan waxaan sidoo kale kusoo dhajinaa boggag ay ku qoran yihiin qoraalo xiiso leh oo loo sameeyey dad ku hadla Soomaali.
Markaad gasho shabakada internet-kan waxaad arki doontaa qayb ay ku qoran tahay luuqada (Soomaali) ah.
Fadlan halkaan riixi haddii aad rabto inaad aragto qoraal af Ingirisii ah.
Lifaaqyadan boggagan waxay ku qoran yihiin af Soomaali:
- Helitaanka hoy
- Xuquuqda iyo mas’uuliyaadka dadka deggan
- Xuquuqda iyo mas’uuliyaadka dadka kiraystay
- Soo sheegitaanka dib u samaynta
- Ka qayb qaadashada
- Taariikh kooban oo ku saabsan Homes for Haringey
- Ku siinaya helitaan loo simanyahay oo ah adeegyadayada iyo macluumaadkayaga
- Kooxda wax ka qabashada asluubxumada ijtimaaciga ah (ASBAT)
- Soo jeedinta rayi ama boogaadinta
- Samaynta dacwad
- Ingiriisida loogu talagalay dadka ku hadla luqado kale - ESOL
Sidoo kale halkaan hadaad riixdo waxaad ku liisgareynsan kartaa dhammaan boggaga ku qoran af Soomaali.
Waraaqahayaga badankooda waxa xagga dambe kaga yaal foom aad buuxin karto oo aad si lacag la’aan ah aad ugu soo diri karto cinwaan si aad ugu hesho macluumaadka luqad kale ama nooc kale isaga oo ah. Kani waa adeeg lacag la’aan ah.
Faylal halkaan ku lifaaqan
Si aad u akhrisato qoraalo PDF ah waa inaad haysato kombiyuutar ay ku rakiban yahay barnaamijka la dhaho Adobe Acrobat. Si aad ula soo degto Adobe Acrobat. fadlan riix calaamadiisa ee ku qoran dhinaca kore.
Qaybo ku xiriirin muhiim ah (Useful External Links)
Qoraalada soo socda ma aha qayb ka tirsan bogga Internet-ka Homes for Haringey.
Ka hor intaadan isticmaalin qaybahan, fadlan marka hore akhri ogeysiiskeena sharciga ah.






